SHARE

Maxkamad uu fadhigeedu yahay dalka Thailand ayaa nin da’diisu lagu sheegay 62 sano ku xukuntay 27 sano oo xabsi ah kadib markii lagu eedeyay in bishii shanaad ee sanadkan uu bam geliyay cisbitaal ku yaalo magaalada Bangkok.
Dhacdadaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay 21 qof.
Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninkan oo magiciisu lagu sheegay Watana Pumret oo horay uga mid ahaa shaqaalaha dowlada kadib markii uu qirtay inuu bamkaasi cisbitaalka geliyay .