SHARE

Ra’iisu wasaaraha dalka Turkiga Binali Yildirim ayaa sheegay qorshaha madaxweyne Donal Trump uu ku doonayao magaalada Jerusalem inuu u aqoonsato caasimada Israel inay tahay mid sharci daro.
Madaxweyne Donal Trump ayaa magaalada Jerusalem u aqoonsaday inay tahay caasimada Israel iyadoo safarada mareykanka loo soo rari doono magaalada Jerusalem.
Mar uu ka hadlaayay shir jaraaid oo ay qabteen isag iyo hogaamiyaha koonfurta kuuriya Lee Nak-Yeon ayuu Yildirim yiri “hal dhinac ama mid kale, labada xaaladood waxay noqon doonaan go’aan sharci daro ah waxayna dhibaatooyinka hada jira ka dhigi doonaan mid aan la xalin Karin.
Madaxweyne Donal Trump ayaa doonaya magaalada Jerusalem inuu u aqoonsado Caasimada Israel.