SHARE

Gudiga baarlamaanka ee loo soo magacaabay inuu turxaan bixin ku sameeyo sarakiisha loo magacaabo xilalka kala duwan ayaa laga bilaabo maanta eegaya xubnaha ku biiraya golaha sharci dejinta ee bariga Afrika ee loo yaqaano EALA.
Waxaa turxaan bixin lagu sameynayaa sarakiisha isugu soo haray tartanka ay ugu jireen inay Kenya ku matalaan golaha EALA.
Gudigan baarlamaaniga ah ayaa waxaa ka soo hormuuqan doono 15 sarkaal oo uu soo xushay xisbiga jubilee iyo 12 kale oo ka kala socdo axzaabta iskaashiga uu kala dhexeyo urur weynaha mucaaradka Nasa.
Sarakiishan ayaa waxaa ka mid ah karaanigii hore ee baarlamaanka Justin Bundi, xildhibaankii hore ee degaanka kamukunji Simon Mbugua , gudoomiyihii hore ee gudiga dhaqangelinta dastuurka ee CIC Charles Nyachae, Oburu oginga oo ay walaalo yihiin hogaamiyaha mucaaradka Nasa wiil uu dhalay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka oo lagu magacaabo ,Kennedy Musyoka, madaxda fulinta ee Nasa Norman Magaya