SHARE

Xildhibaankii degaanka galbeedka Kitui horayna u soo noqday hogaamiyihii mudanayaasha baarlamaankii 11-aad looga tira badnaa Francis Nyenze ayaa maanta geeriyooday.
Waxaa uu ku dhintay cisbitaalka Nairobi kadib markii uu in mudo ah qabay xanuunka kansarka sida uu ka dhawajiayay senetarka ismaamulka Kitui Enoch Wambua.
Meydka xildhibaankan ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee Lee Funeral Home ee ku taalo magaaladatani Nairobi.
Mr Nyenze ayaa dhashay labadii bishii lixaad ee sanadkii 1957-dii waxayna si weyn isugu dhawayeen hogamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka.