SHARE

Maxkamada shaqaalaha ayaa amar ay soo saartay ku sheegtay in dowlada aysan mudada uu xafiiska haynayo u kordhin Karin agaasimaha gudiga dowlada dhexe u qaabilsan isku duba ridka hay’adaha aanan dowliga ahayn ee loo yaqaano NGOS-yada Fazul Maxamed.
Maxkamada ayaa sheegtay in go’aankaasi uu yahay mid lagu saleynayo dacwad ka dhan ah Fazul Maxamad oo uu maxkamada u gudbiyay mid ka mid ah shaqsiyaadka u ololeeya xuquuqul aadanaha oo lagu magacaabo Okiya Omtatah kaasi oo anan weli dhageysigiisa la dhameynin. Garsoore Hellen Wasilwa ayaa go’aamisay in wasiirka wasaarada arrimaha gudaha ee dalka uusan cusbooneynsiinin mudada shaqo ee Mr. Maxamad.
Xiliga la doonayo inuu xafiiska baneeyo agaasimaha gudiga maareeya hay’adaha aanan dowliga ahayn ee ka hawlgalo gudaha dalka ayaa dhamaaday bishii hore ee Novembar waxaana hada dowlada looga digay inay mudadaasi u kordhiso.
Sido kale Fazul Maxamad ayay ka hor istaagtay inuu tago xafiisyada gudiga uu agaasimaha ka yahay iyo inuu qabto wax shaqo ah oo la xariirta gudigaasi .
Mr. Omtatah ayaa dacwada uu maxkamada u gudbiyay ku sheegay in mudada Fazul ay dhamaatay sidaas awgeedna la doonayay inuu xafiiska baneeyo.