SHARE

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee magaceedu loo soo gaabiyo UNICEF ayaa sheegtay in 17 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka hooseyso hal sano ayaa qaataan hawo wasakhaysan.
Arrintan ayay hay’adda ka dhawajisay inay halis galisa koriinkii maskaxdooda.
Caruurta ugu badan oo ay dhibaatadan saameynta ku yeelato ayaa ah kuwa ka soo jeedo Koonfurta qaarada Aasiya.
12 milyan oo carruur ah ayaa ku nool goobo hawadoodu ay wasakheysantahay lix jibaar ka badan heerka laga doonayo in hawada ay saafi ahaato halka 4 milyan oo kalana ay halis ku wajahayaan bariga Aasiya iyo Pacifikada.
Hay’dda ayaa sheegtay in ay u badan tahay in hawada wasakhaysan ay dhaawacdo maskaxda caruurta.