SHARE

Macalimiinta dalka ayaa ka biya diiday qaar ka mid ah isbedelo la xariira maamulka dugsiyada oo uu dhawaan shaaca ka qaaday gudiga adeega macalimiinta ee TSC.
Waxay barayaasha ka dhawajiyeen in shuruucda qaar ay yihiin kuwo anan macquul ahayn sida ay hadalka u dhigeen u muuqdo ciqaab lagula kacayo macalimiinta.
Ururka macalimiinta eer KUPPET ayaa gudiga TSC ku eedeyay inuusan wax wada tashi ah la sameynin maamulayaasha dugsiyada ka hor inta isbedelada hor leh aanan lagu dhawaaqin.
Waxay walaac ka mujiyeen sharciga ah in maamulayaasha iyo ku xigeenada dugsiyada sare iyo dugsiyada hoose dhexe wax ka badan sagaal sano aysan ka hawlgeli Karin ismaamulka ay degaan ahaan ka soo jedaan .
Sido kale waxay gaashaanka u daruureen sharciga ah in laga bilaabo sanadka soo socdo maamulayaasha dugsiyada sare iyo ku xigeenadooda laga doonayo inay haystaan shahaadada Masters halka kuwa dugsiyada hoose dhexena lagu xirayo shahaadada Degree.
Amarka kale ee ka soo baxay gudiga adeega macalimiinta ee TSC ee anan barayaasha u cuntamin aya ah in dugsiyada sare iyo kuwa hoose dhexe ee hal meel ku wada yaalo uu maamulkoodu hal noqdo.
Xoghayaha guud ee ururka macalimiinta ee KUPPET Akelo Misori ayaa shuuruucdan ku tilmaamay kuwo siyaasad salka ku haya.
Xoghayaha guud ee ururka macalimiinta ee KNUT Wilson Sossion ayaa dhankiisa ka soo horjeestay amarka ah in la kala diro maamulada dugsiyada sare iyo kuwa hoose dhexe ee hal meel ku wada yaala.
Gudiga adeega macaliinta ee TSC ayaa u soo jeesiyay inuu dib u eegis ku sameeyo amarka ka soo baxay ee ku saabsan shahaadooyinka laga doonayo maamulayaasha.
Andiwo Obondo oo ka mid ah khuburada dhanka tacliinta ayaa sheegay in arrin wanaagsan ay tahay in maamulayaasha lagu xiro shahaado waxbarasho oo sareysa hasa ahaate gudiga TSC laga doonayo inuu madaxda dugsiyada u sameeyo tababar ku aadan maareynta maaliyada loo qoondeeyo xarumaha waxbarasho.