SHARE

Machadka hormarinta manaahijta waxbarasho ee dalka ee KICD ayaa sheegay in aanan lagu degdegi doonin dhaqangelinta nidaamka cusub ee waxbarashada ee 2-6-6-3 ee la doonayo in sanadka 2018-ka dalka laga hirgeliyo.
Madaxa fulinta ee machadkan Julius Jwan aya sheegay in manhajkan loo dhaqangeliyo wajiyo kala duwan.
Waxaa uu sido kale sheegay in ay qaadan doonto mudo 7 sano ah in gebi ahaanba meesha laga saaro hannaanka waxbarasho ee haatan wadanka laga isticmaalo ee loo yaqaano 8-4-4
Sido kale madaxa fulinta ee machadka KICD ayaa sheegay in tababar la siinayo macalimiinta dalka si ay ugu diyar garobaan manhajka cusub ee waxbarashada.