SHARE

Warbixin hor leh oo uu soo saaray waaxda maamulka hoose ee Nairobi u qaabilsan kormeerka lagu sameeyo dhismooyinka aya lagu sheegay in 640 guri oo ku yaalo magaala madaxda dalka ay aad halis u yahay in la deganaado.
Sanadii la soo dhafay ayay ahayd markii ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen guri ka koobnaa 6 dabaq oo dumay.
Warbixinta ayaa waxaa qeyb ka ah in baaritaano lagu sameeyay 358 guri oo ku yaalo xaafada Pipeline lagu ogaaday in 65 ka mid ah ay aad halis u yihiin halka 96 kalena anan lagu badqabi karin.
Waaxdan aya sheegtay in guriyaha laga deyrinayo ay inta badan ku yaala xaafada Huruma.
Xoghayaha waaxdan Moses Nyakiongora ayaa ka dhawajiayy inay baaritaano qota dheer ku sameyeen 28 guri kadibna ay ogadeen in 15 ka mid ah habdhismeedkoodda uusan wanaagsaneyn halka sagaal kalena ay dayactir u baahanyihiin ka hor inta anan la degin.