SHARE

Urur weynaha mucaaradka Nasa ayaa weli ku adkeysanaya in 12-ka bishan hogaanka dalka loo dhaarinayo ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka Raila Odinga.
Garabka mucaaradka ee dalka ayaa sheegay in labada maalmood ee soo socoto uu kenyaanka ku wargelin doono qorshaha la xariira dhaarinta Raila.
Xildhibaanka laga soo doortay degaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad aya wax lagu qoslo ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegay in Nasa uu goob lagu dhaariyo Rail ka raadinaya ismaamulada uu siyaasad ahaan ku leeyahay tageero xooggan.
Dhanka kale garabka mucaaradka ee dalka ayaa gaashaanka u daruuray baaqyo loo jeediyay Raila oo ku aadan inuu la laabto qorshaha la doonayo in lagu dhaariyo.
La taliyaha Raila Odinga ,Salim Lone ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay waxba kama jiraan yihiin baaqyada lagu saleeyay in hadii Raila la dhaariyo ay dhibaato dalka ka dhaceyso.
Mr Lone ayaa dhanka kale ka dhawajiyay in dhaarinta Raila ee la qorsheeyay ay tahay mid sharciga waafaqsan.
Talaabadan oo xubnaha mucaaraadka Nasa ay sheegayaan inay ka dhabeynayaan saameynta ka dhalan kartana anan la saadaalin Karin ayaa imaaneysa kadib markii 28-kii bishii hore ee sanadkan hogaanka dalka markii labaad loo dhaariyay madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Willaim Ruto.