SHARE

Hogaamiyaha urur weynaha mucaaradka NASA Raila Odinga ayaa ku gacan seyray baaq uga yimid dowlada Maraykanka oo ah inuu ka laabto qorshaha la doonayo in loogu dhaariyo hogaanka dalka.
Mr Odinga ayaa maanta oo khamiis ah sheegay in dowlada Maraykanka iyo wadamada kale ee ka soo horjeedo qorshahasi la doonayo inay ogadaan in rabitaanka shacabka aanan marnaba la hor istaagi Karin.
Waxaa uu Mr. Odinga sheegay in Maraykanka uusan dhaarinta iyo caleema saarkiisa ku tilmaami Karin xadgudub ka dhan ah dastuurka dalka halka xukuumada Washington aysan ka hadlin dibadbaxayaal aanan waxba galabsan oo uu ciidamada booliska ku eedeyay inay dileen laga soo bilaabo bishii sideedaad ee sanadkan.
Raila Odinga aya sheegay inay jiraan wadamo badan oo isku tilmaamo saaxiibada Kenya hasa ahaate xitaa mid ka mid ah ama safiiradooda aysan canbaareynin dilalkii dalka ka dhacay.
Raila Odinga ayaa wadamada reer galbeedka u sheegay inay faraha kala baxaan arrimaha Kenya maadama sida uu hadalka u dhigay dhibaatooyinka dalka ka jiro ay xallin karaan kenyaanka oo keliya.
Sido kale madaxa mucaaradka ee dalka ayaa sheegay inaysan aqoonsaneyn natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtinimo ee ku celiska ahayd ee dalka ka dhacday iyo dhaarintii Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.