SHARE

Wasaarada ganacsiga ee dalka Shiinaha ayaa maanta oo khamiis ah walaac ka muujisay in dowlada Maraykanka ay in mudooyinkii ugu danbeeyay faafineysay warar aanan wanaagsaneyn oo ku saabsan xariirka ganacsiga ee ka dhexeya labaasi wadan.
Afhayeenka wasaarada ganacsiga ee shiinaha Gao Feng, ayaa sheegay in Maraykanku uu dhawaan bilaabay baaritaano ka dhan ah waxyaabaha laga soo saaro shiinaha halka si joogta ah uu u guda galay inuu faafiyo warar anan sax ahayn.
Waxaa uu intaasi ku daray in arrintaasi ay gudaha shiinaha iyo Maraykanka ka abuurtay walaac xooggan oo dhanka ganacsiga ah.
Sido kale afhayeenka ayaa ka dhawajiyay in tallabada uu Maraykanka qaaday ay si gaar ah u taabatay shirkadaha laga leeyahay dalkasi ee doonaya inay sii ballariyaan wada shaqeynta kala dhexeysa shiinaha.
Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in dhulgariir cabirkiisu lagu qiyaasay 5.2 uu ka dhacay gobolka Xinjiang Uygur ee shiinaha in kastoo aanan weli la soo tabinin wax khasaaro ah oo ka dhashay.