SHARE

Maamulka qaran ee maareynta degaanka ee magiciisu loo soo gaabiyo NEMA ayaa shaaca ka qaaday in shirkadaha soo saaro rootiga loo qabanayo mudo 6 bilood ah oo ay meesha uga saarayaan bacda balaastiga ah ee ay macamiisha wax uga iibiyaan.
Waxaa uu maamulkan sheegay in la guda galayo geedisocodka la xariira sidii mudo hal sano gudaheed ah gebi ahaanba loo mamnuuci lahaa soo saaridda iyo isticmaalka bacda balaastiga ah.
Tallabadan ayaa timid hal maalin un kadib markii hay’ada Haki Afrika ay dowlada ku eedeysay inay amarka bacda lagu mamnuucay u dhaqangelinin si dhameystiran .
Waxay hay’adan dowlada ku dhaliishay in shirakada qaar loo ogolaaday in alaabta kala duwan ay ku xiraan bac.
Agaasimaha guud ee maamulka NEMA Geoffrey Wahungu ayaa shir caalami ah oo ku saabsan arrimaha degaanka oo ka dhacay magaaladatani Nairobi ka sheegay in hormar laga gaaray la tacaalidda wasaqeynta degaanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in kadib markii 28-kii bishii sideedaad ee sanadkan la mamnuucay isticmaalka, soo iibsashada ama soo saaridda bacda balaastiga ah weli caqabada taagan ee la doonayo in xal loo helo ay tahay jubadaha caaga ah iyo bacda cunooyinka lagu xiro.