SHARE

Militariga wadanka Ugandha ayaa sheegay inuu bilaabay in 281 ka mid ah ciidamadiisa ka tirsan AMISOM ee ka dagaalamaya gudaha soomaaliya uu wadankaasi kala baxo.
Qorshahan aya qeyb ka ah tallabo ay qaadeyso qaramada midoobay oo looga gol leeyahay in lagu dhimo tirada ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan soomaaliya.
Dhamaadka sanadkan ayuu qorshuhu yahay 1,000 sarkaal oo ciidamadan ka mid ah ay isaga soo baxaan Soomaaliya.
Ciimada midowga Afrika ee hada ku sugan gudaha soomaaliya ee dagaalka kula jiro xarakada Al-shabaab ayaa gaaraya halka dowlada Ugandha ay ahayd xukuumadii ugu horeysay oo sanadii 2007-dii ciidamo u dirto soomaaliya.
Sarakiisha ka soo jeedo Ugadha ee ku sugan soomaaliya ayaa ah in ka badan 6,000 .
Wadamada kale ee Kenya, Burundi, Jabouti iyo Itoobiya ayaa la filayaa in dhamaadkan bishan ay dhimaan tirada ciidamada ee ka joogo soomaaliya.