SHARE

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka prof. Githu Muigai ayaa qorshaha 12-ka bishan lagu dhaarinayo hogaamiyaha urur weynaha mucaaradka Nasa Raila Odinga ku tilmaamay khiyaano sare oo ka dhan ah qaranka .
Waxa uu ka digay in ciqaabta arrintaasi ka dhalan karto ay tahay xukun dil ah.
Prof Githu Muigai ayaa dhanka kale sheegay in qof uusan gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ku dhawaqin inuu doorasho ku guuleystay oo la dhaariyo ay tahay sharci darro.
Waxaa uu sido kale carabka ku dhuftay inaysan dastuurka waafaqsaneyn dhaarin kasta oo la sameeyo iyadoo madaxa cadaalada ee dalka uusan goob jog ka ahayn.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka ayaa ka dhawajiyay in golayaasha ismaamulada kala duwan ee dalka ayasan awood u lahayn in la soo dhiso golaha shacabka isagoo intaasi ku daray in cid kasta oo ku lug leh ay suura gal tahay in tallabo laga qaado.
Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in golayaasha ismaamulada dalka ee meel mariyay hindisa sharciyeedka mucaaradka Nasa ee lagu soo dhisayo golaha dadweynaha tallabo laga qaadayo maadama sida uu hadalka u dhigay ay si aanan habbooneyn u adeegsadeen kheyraadka kheyraadka dalka.