SHARE

Ila iyo 9 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay shil ka dhacay wadada Ndaragwa iskuna xirtaa Nyahururu iyo Nyeri.
7 qof oo kale oo ay ka mid ahayeen Carruur ayaa shilkaasi ku dhaawacmatay waxaana loo qaaday isbitaalka Nyahururu.
Dhaqtar ka hawlgalaa isbitaalka guud ee Nyahururu ayaa warbaahinta u sheegay in dadkii isbitaalada la keenay ay qabaan dhaawacyo halis ah.
Dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi ayaa ka yimid aas ka dhacayay ismaamulka Nyeri.
Taliyaha ciidamadada Booliska ismaamulka Nyandarua Philip Opiyo oo xaqiijiyay shilkani ayaa sheegay in shan qof ay isla goobtii uu shilka ka dhacay ay ku nafbaxeen halka 4 kalena ay ku dhinteen isbitaalka.
Shilkani ayaa imaanayaa ka dib markii uu Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu shalay amar ku bixiyay in sarakiisha maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka ee NTSA aysan wadooyinka ka hawlgeli karin.