SHARE

Agaasimaha guud ee cisbitaalka weyn ee ismaamulka Mandhera Dr.Maxamad Aadan Xussein ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan amar shalay ka soo baxay gudiga dowlada u qaabilsan farmashiyada iyo dawooyinka lagu iibiyo oo ahaa inaan dadweynaha laga iibin Karin iyadoo uusan dhaktar qofkaasi u soo qorin daawa kasta oo ay ku jirto maadada loo yaqaano Codeine.
Tallabadan ayaa timid markii la ogaaday in dadka daroogada caadeystay ay daawadan ka soo iibsadaan farmashiyada iyagoo ku daro waxyaabo kale kadibna isticmaalo.
Madaxa diiwangelinta ee gudigan Fred Siyoi ayaa sheegay in qof kasta oo daawadan qaadanaya la doonayo in la qoro macluumaadkiisa oo dhameystiran iyo sido kale dhakhtarka u qoray.
Si aan faahfaahin dheeraad ah uga helno maadada codeine iyo siyaabaha loo isticmaalo ayuu wakiil wareedka warbaahinta star ee ismaamulka Mandhera Maxamuud Maxamad Sheekh Lafageri ka wareystay Dr.Maxamad Aadan Xussein.