SHARE

Ugu yaraan 45 qof ayaa ila iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen fatahaadyo saameeyay jamhuuriyada dimuqaradiyada Kongo ee DRC.
Waxaa sido kale gudaha wadankaasi hooy la’aan ku noqday kumanaan qof oo kale.
Hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya in xaalada jirta ay sara u sii qaadi karto daacuunka oo ay dowalda Kongo la tacaleysay tan iyo bishii todobaad ee sanadkii 2017-kii.