SHARE

Ciidamada booliska gaar ahaan kuwa qaabilsan wadooyinka ee taraafikada ayaa si buuxda ula wareegay kala hagidda baabuurta kadib markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu dhawaan amar ku bixiyay in sarakiisha maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka ee NTSA laga saaro wadooyinka.
Maamulkan ayaa sarakiishiisa ku wargeliyay inaysan wadooyinka ka hawlgelin maadama hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka uu shaaciyay in shaqadaasi la doonayo in loo daayo sarakiisha booliska.
Mr. Kenyatta ayaa horay u sheegay in amarka uu soo saaray looga gol leeyahay in lagu yareeyo kiisaska shilalka ee waayadan danbe sara u sii kacayay.
Warbixintii ugu danbeysay oo uu maamulka qaran ee NTSA soo saaray ayaa lagu sheegay in bishii Disembar ee sanadkii tagay oo keliya shilalka wadooyinka ee ka dhacay qeybo ka mid ah dalka ay galafteen noolosha 356 qof.
Agaasimaha guud ee NTSA Francis Meja ayaa dadweynaha u xaqiijiyay inay si buuxda ugu hogaansamayaan amarka dowlada ay soo saartay.
Mr. Meja ayaa sido kale sheegay in xiliga ku habboon ay shacabka la wadagayaan bayaan ku saabsan tallabada xigta.
Amarka sarakiisha NTSA wadooyinka looga saaray ayaa waxaa si weyn u soo dhaweyay mulkiilayaasha mataatuuda oo ku baaqay in maamulkaasi dib u eegis lagu sameeyo.