SHARE

Laba dhalinyaro oo u dhalatay dalka Falastiyiin ayaa lagu soo waramayaa inay dileen ciidamada Israa’iil ka dib markii ay dibadbaxyo ka dhaceen magaalada Qaza .
2 qof ayaa sido kale kale lagu dhaawacay dibadbaxyadaasi sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee wadanka Falastiyiin.
Afhayeen u hadlay ciidamada Militiriga ee dalka Israa’iil ayaa sheegay in in laba goobood oo ku yaala xuduuda Qaza ay ka dhaceen banaanbaxyo waaweyn.
Dhalinyaradani la dilay oo lagu qiyaasay 16 sano jir ayaa waxaa lagu dilay rabshado ka dhacay tuulada Bureen ee bartamaha magaalada Nablus
Tan iyo markii madaxweynaha wadanka Maraykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in caasimada Israa’iil ay tahay magaalada Qudus waxaa uu isko hor imaad ka dhex bilaabmay ciidamada Israa’iil iyo shacabka reer Falstiyiin