SHARE

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland hadana ah xubin ka tirsan aqalka sare ee baarlamaaka Somalia C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa ka hadlay xiisada colaadeed ee maalmihii aan soo dhaafnay ka taagnayd deegaano u dhaxeya labada maamul ee Puntland iyo Somaliland.
C/raxmaan Faroole ayaa wax laga xumaado ku tilaamay qaabka ay masuuliyiinta labada dhinaca u wajaheen arinta ka taagan deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool.
Madaxweynaha maamulka Puntland ayuu ku eedeeyay qaabkii uu uga hadlay inay ahayd kicin dadweyne sidoo kale Somaliland ayuu ku dhaliilay jawaab ay ka bixisay arintaas wuxuuna intaas ku daray inaysan hadalada masuuliyiintaasi aysan haboonayan xiligaan shacabka labada dhinacna aysan doonayn colaad balse ay nabada doonayaan.
Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa ku baaqay in si deg deg ah looga wada hadlo xiisada ka taagan Gobolka Sool, loona turo shacabka halkaas ku nool.

Degaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo maalmo kahor uu ka dhacay Dagaal u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ayaa waxaa soo badanaya baaqyada loo jeedinaya dhinacyada dagaalamay ee ku aadan joojinta colaadaas war maalin ka hor ka soo baxay dowlada Fedraalka Somalia ayaa walaac looga muujiyay colaadaas waxaana dhinacyada laga dalbaday inay si sharuud la’aan ah u joojiyaan dirirtaasi.
Dhanka kale Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Macheal Keating oo shalay gaaray magaalada Hargeysa ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaayna ka wada hadleen sidii loo abuuri lahaa jawi hufan oo ay ku wada shaqeeyaan, sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dhinac, Nabadgelyada, shaqo abuur loo sameeynayo dhalinyarada iyo qodobo kale.
Keating oo soo hadal qaaday xiisada ka taagan Tukaraq ayaa ku baaqay in Puntland iyo Somaliland ay si deg deg ah u yeeshaan wada hadal lagu dhameynayo xiisada ka taagan Gobolka Sool gaar ahaan degaanka Tukaraq.
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya wuxuu xusay inaysan marnaba xal ahayn adeegsiga awood Millitari, aysana faa’ido ugu jirin labada maamul iyo shacabkooda.