SHARE

Xubno ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in taageero dhankasta ah la siiyo cciidamada Milatariga dowlada Somalia ee ku guda jira howl galada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay kawadaan gobolada dalka gaar ahaan kuwa ka socda Gobolka Hiiraan.
Xildhibaan daahir Amiin jeesow oo ka mid ah xildhibannada Baarlamaanka Federaalka Somaliya oo ku sugan Magalaada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in shacabka ku nool gobolkaasi looga bahan yahay inay tageeran Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee howlgalada ka wada qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan si ay ugu guulaystaan dagaalka ka dhanka ah xoogaga AL-shabaab.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay inay gobolka Hiiraan u tageen sidii ay xal ugu raadin lahaayeen lacagta shilinka Somalia oo dhibaato abdan ka taagan tahay shacabkana caqabad ku noqotay.

Hadalka xildhibaan daahir Amiin jeesow ayaa ku soo beegmaya ayadoo Ciidamada xooga dalka Somalia oo garab ka helaya kuwa midowga Africa ee AMISOM iyo cutubyo ka tirsan ciidamada dowlada maraykanka ee taageeraya dowlada Somalia ay howlgalo isugu jira cirka iyo dhulka ka wadaan deegaano badan oo ka tirsan koofurta iyo bartahama dalka Somalia kuwaasoo ay ku beegsanayaan dagaalyahanada AL-shabaab.