SHARE

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa meel mariyay sharci dadka ajaaniibta ah u diidaya inay koriyaan caruurta wadankaasi u dhashay.
Sharcigan loo codeeyay ayaa imaanaya kadib markii bishii afaraad ee sanadkii hore dowlada ay soo saartay go’aan arrintan la xariira.
Waxaa xiligaasi meesha laga saaray kiisas dhowr ah oo xitaa ay ka mid ahayeen in hooyooyinka qaar ay dhameystiraan waxyaabihii dastuur ahaan looga baahnaa.
Sharcigan uu baarlamaanka Itoobiya ansaxiyay ayaa si weyn loo soo dhaweeyay.
Sanadii 2013-kii ayay ahayd markii lamaane ka soo jeedo Maraykanka xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeyay inay dileen gabadh dalkaasi u dhalatay oo ay korsadeen.