SHARE

Dowlada ayaa gaashaanka u daruurtay tallabo koox ka tirsan midowga Yurub oo dabagal ku sameysay doorashadii guud ee sanadkii hore ay ku doonaysay inay soo bandhigto warbixin lagu xusay waxyaabihii xiligaasi dhacay ee la indhaindheeyay.
Madaxa midowga Yurub u qaabilsaneyd kormeerkii lagu sameeyay doorashadii dhacday ee uu ku guuleystay madaxweyne Uhuru Kenyatta Ms Marietje Schaake ayaa warbixintaasi shaaca uga qaaday magaalada Brussels ee dalka Belgium kadib markii sida ay hadalka u dhigtay aysan soo dhaweyn kala kulmin dowlada Kenya.
Hasa ahaate Mr Johnson Weru oo ah safiirka Kenya u matalo Belgium iyo midowga Yurub ayaa ka dhawajiyay inaysan habbooneyn in warbixin la soo saaro iyadoo aanan laga qeyb gelinin dowlada.
Tallabada ay qaaday Ms Marietje Schaake ayuu ku tilmaamay mid aanan loo fiirsan oo lagu degdegay maadama sida uu ku eedeyay inaysan u hogaansamin heshiis horay loo wada saxiixday.