SHARE

Gudoomiyaha maamul goboleedka Nairobi Mike Sonko ayaa soo saaray amar ah in isku shaandheyn lagu sameeyo shaqaalaha ka hawlgalo waaxyaha kala duwan ee hal xafiis ka shaqeynayay in ka badan 15 sano.
Waxaa uu ka dhawajiyay in sarakiisha qaar ay hawlaha waaxda ay ka shaqeyaan ka dhigeen sida ganacsi qoys oo kale.
Mr. Sonko ayaa sheegay in maadama sarakiisha qaar anan bedelaad lagu sameyn 15-kii sano ee la soo dhaafay si degdeg ah loogu baahanyahay in arrintasi la guda galo.
Waxaa uu walaac ka muujiyay hoos u dhaca ku yimid bixinta adeegyada loo fuliyo dadweynaha.
Hadalkan ayuu Mike Sonko jeediyay xili uu ku sugnaa maamul goboleedka Kilifi ee gobolka xeebta.
Wasiirada uu soo magacaabay ee hogaaminaya wasaaradaha kala duwan ayuu ku booriyay inay si weyn ula dagalamaan musuqmasuqa oo uu ku tilmaamay caqabad sanado badan dib u dhac ku keentay hormarka caasimada dalka.