SHARE

Dad ay tiradoodu gaareyso 361,370 ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay lagu xiray Sacuudi carabiya kadib markii lagu eedeyay inaysan u hogaansamin shuruucda shaqaleysiinta iyo socdaalka.
Dowlada ayaa sheegtay inay sii wadeyso hawlgalada lagu xaqiijinayo in cid kasta ay u hogaansanto xeerarka boqortooyadaasi laga isticmaalo.
Ololahan ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya booliska, wasaarada arrimaha gudaha , mida shaqaalaha iyo hormarinta bulshada, ganacsiga iyo maalgashiga iyo socdaalka.
Wararka ayaa intaasi ku daray in dhawaan Sacuudi carabiya laga tarxiilay 78,135 qof oo lagu eedeyay inay ka talabsadeen shuruucda u yaalo xukuumada Riyadh.
Bayaanka wasaarada arrimaha gudaha ayaa waxaa qeyb ka ah in 4,758 qof la xiray iyagoo doonaya inay u gudbaan dhanka UK.