SHARE

Shacabka Kenyaanka ah ee ku nool Maraykanka aya soo dhaweeyay duulimaadyada tooska ah ee ay shirkada diyaaradaha ee Kenya Airways ay ku tageysa magaalada New York City.
Stanely Njoroge oo ah Kenyaan degan koonfurta News Jersey ayaa sheegay in tallabadaasi ay tahay had’yaddii ugu wanaagsaneyd ee la gudoonsiiyo.
Waxaa uu ka dhawajiyay in safari badan ay ku yimadaan wadanka sidaas awgeedna farxad aanan la soo koobi Karin ay u tahay inay soo racaan shirkad laga leeyahay dalka.
Shalay ayay ahayd markii shirkada Kenyan Airways ay shaacisay inay bilaabeyso duulimadyo toos ah oo u dhexeya Kenya iyo Maraykanka.
Khuburada ku taqasusay arrimaha safarada ayaa sheegay in waqtiga duulimaadyada u dhexeya New York iyo Nairobi uu yaraanaya in ka badan 7 saacadood.