SHARE

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta u ambabaxay wadanka Koonfur Afrika sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray idaacadda star fm.
Diyaaradii siday madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa daqiiqado ka hor 12-kii duhurnimo ka duushay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA waxaana sagootiyay sarakiil sar sare oo ka tirsan dowlada oo uu hor kacayo ku xigeenkiisa Willaim Ruto.
Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa waxaa halkaasi uga bilaabaneysa booqasho seddex maalmood ah.
Waxaa uu kulan la qaadan doonaa dhigisa koonfur Afrika Jacob Zuma si ay uga wadahadalaan arrimo dhowr oo la xariira iskaashiga ka dhexeya labada dal.
Madaxdan ayaa si gaar ah diiradda u saari doono arrimaha ganacsiga, amniga iyo hormarinta kaabayasha dhaqaale.
Mr. Kenyatta iyo Mr. Zuma ayaa galinka danbe ee maanta lagu wadaa inay isla soo hadal qadaan hormarka laga gaaray dhaqangelinta hehiisyo ay horay labada dal u wada saxiixdeen.
Bishii Oktoobar ee sanadii 2016-kii ayay ahayd markii madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma uu booqasho rasmi oo taariikhi ah ku yimid Kenya.
Waxay xiligaasi mas’uuliyiintan si wadajir ah qalinka ugu duugeen 6 heshiis oo dhinacyo badan taabanayay.
Heshiisyadaasi waxaa ka mid ah iskaashiga dhanka booliska, militariga iyo maalgashiga.
Berri oo jimco ah waxaa kulmaya Mr. Kenyatta iyo madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Cyril Ramaphosa oo bishii la soo dhaafay xilka gudoomiyanimo ee xisbiga ANC kala wareegay Jacob Zuma.
Madaxweynaha Uhuru Kenyatta ayaa sida uu qorshuhu yahay waxaa uu kulan la qaadan doonaa jaaliyada ganacsatada ah ee magaalada Johannesburg .
Sabtida madaxweynaha dalka ayaa ka qeyb geli doono xaflad loogu dabaaldegaya sanadguuradii 106-aad ee ka soo wareegtay xiligii la aas-aasay xisbiga ANC.