SHARE

Gudiga musharaadka iyo gunooyinka ee SRC ayaa maxkamada ka codsaday inay meesha ka saarto amar ka soo baxay oo ay ku hor istaagtay in la dhimo mushaarka ay qataan shaqaalaha dowlada kadib markii wakiilada xaafada kala duwan ee degaanada ay arrintaasi cabasho ka muujiyeen.
Waxaa maxkamada tagay xubno ka tirsan dalladda wakilada loo yaqaano MCAs iyagoo sheegay in musharaadka ay qaataan oo laga yareeyo ay saameyn ku yeelanaysa hawlaha dowlad wadaajinta.
Sanadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii gudiga SRC uu soo saaray go’aan lagu dhimayo mushaarka iyo gunooyinka shaqaalaha dowlada.
Waxaa uu gudigu sheegay in tallabadaasi looga gol lahaa in la yareeyo qarashka loo adeegsado hawlaha musharaadka ee sara u sii kacaya.
Dhanka kale gudiga SRC ayaa ku doodaya in mas’uuliyiinta maxkamada geeyay dacwada aysan shaacinin macluumaad muhiim ah.
Sii hayaha xilka madaxa fulinta ee gudiga musharaaska Margret Njoka ayaa ka dhawajisay in dhamaan dhinacyada kala duwan lagu wargeliyay in la yareynaya mushaarka ay qataan.
Maxkamada ayay ka codsatay inaysan daaqada ka tuurin go’aankii SRC si kenyaanka canshuurta bixiyo looga dulqaado culesyka kaga imaanaya musharka la siiyo shaqalaha dowlada oo aad u sareeya.