SHARE

Ciidamada difaaca ee dalka Tunisiya ayaa lagu soo waramayaa in la geeyay magaalooyin dhowr ah iyadoo ilaa iyo hada ugu yaraan 300 oo qof oo dibadbaxyada ka qeyb qaatay xabsiyada la dhigay.
Afhayeenka wasaarada arrimaha gudaha ee Tunisiya Khelifa Chibani ayaa sheegay in xalay gacanta lagu soo dhigay 330 qof oo dhac geysanayay.
Dadkan iyaga ah ayaa la qabtay xalay waxayna militarigu ka shaqeyn doonaan in lala tacaalo dibadbaxyo laga cabsi qabo inay sii socdaan.
Tani ayaa dadka la xiray ilaa iyo isniintii ka dhigeysa ku dhawaad 600 oo ruux.
Mudaaharaadyadan oo ra’iisul wasaaraha dalkaasi Yuusuf Shaahid ku tilmaamay ku rabshado ay wehelinayaan ayaa ka dhan ah shaqa laa’nta jirta iyo canshuur la kordhiyay.
Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay magaalada Thala oo xigta dhanka xadka wadankaasi uu la wadaago Algeria kadib markii dibadbaxayaal ay dab qabadsiiyeen dhismaha booliska .
Magalooyinka la geeyay militariga ayaa waxaa ka mid ah Sousse, Kebeli iyo Bizert si ay u ilaaliyaan dhismooyinka dowlada oo noqday kuwo la bartilmaameedsado.
Kacdoon Tunisiya ka dhacay sanadii 2011-kii iyo laba weeraro oo waweyn oo la geystay 2015-kii ayaa burbur u geystay maalgashiga shisheeyew iyo dalxiiska oo dhaqaalaha wadankaasi uu boqolkiba 8 ku tiirsanyahay.