SHARE

Urur weynaha mucaaradka NASA ayaa shaaciyay inuu dib u dhigay kulan horay loo qorsheeyay in berri oo jimco ah lagu qabto magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Shirkaasi ayaa qabsoomi lahaa ka hor inta aanan maamul goboleedka Machakos lagu qaban madasha golaha dadweynaha ee gobolka bari.
Xisbiga Wiper oo ka tirsan Nasa ayaa codsaday in shirka uu yeelanaya golaha dadweynaha la qabto 19-ka bishan Janaayo maadama dib loo dhigay kulankii ka dhici lahaa Naivasha.
Mucaaradka Nasa ayaa sheegay in sababta kulanka berri dhici lahaa uusan u qabsoomayn ay tahay in fursad la siinaya ururka ay ku bahobeen haweenka xildhibaanada ah inuu doorasho sameeyo.
Dhanka kale waxaa jiro warar sheegaya in xisbiga Wiper uusna ku farxin in magaca xildhibaanka degaanka Borabu Ben Momanyi laga saaray liiska mas’uuliyiinta loo soo xushay inay ka mid noqdaan gudiga adeega baarlamaanka ee PSC.