SHARE

Hay’ada qaran ee maarenta deeganka oo loo soo gaabiyo NEMA ayaa kormeertay goobaha habeenkii lagu cabeeyo ee loo yaqaano baarka oo ku yaalo magaaladatani Nairobi.
Hay’adan ayaa tagatay baararka Kiza Lounge, Space Lounge Bar Grill, Jiweke Taverniyo B-Club si ay u hubiyaan nidaamka ay ku shaqeynayaan kadib cabasha ka timid dadweynaha oo ku aadan musigada ay shidaan.
Kormeerayasha NEMA oo ay wehelinayaan sarakiisha booliska ayaa maamulada goobahaasi siiyay diginiin, waxayna amreen ciyaaraha halkaasi lagu qabto in la joojiyo ilaa ay gudiga shuruuda ka soo sarayaan.
Arrintan ayaa timid kadib markii ay gu diga heleen cabashooyin ay u soo gudbiyeen dadweeynaha ay ku codsanayaan in baararka la xiro xiliyada habeenkii sababo ah inay wax u dhimeyso raaxada habeenkii, caafimaadka iyo amnigaba.
Sikistaba ahaate dadka riwayadaha ku dhigo baararkaxiliyada habeenkii ayaa diiday inay saxiixaan cadeyno uga imaatay dhanka hay’ada waxayna ku andacooday in saxiixa u bixin karo oo kaliya maamulaha.
Hasa ahaate macluumaadka wargeyska Nation ayaa mujinayaa in la xiray sadax ka mid ah afartii baar ay hay’ada kormeertay marka laga reebo baarka Space Lounge