SHARE

Ra’iisul Wasaaraha dalka Tuniisiya Yuusuf Shaahid ayaa si kulul u canbareeyay dibadbaxyada maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa wadankaasi ee looga soo horjeedo canshuurta la kordhiyay.
Mudaaharaadyada ayaa saameyn ku yeeshay ku dhawaad 20 magaalo oo Tunisiya ka tirsan.
Waxa uu dibadbaxyada ku tilmaamay kuwo qalalaase salka ku haya oo aanan marnaba loo dulqaadan Karin.
Sido kale Ra’iisul wasaare Yuusuf Shaahid ayaa ka dhawajiyay in dad rabashado kicinaya ay ku dadalayaan in la curyaamiyo qaranimada wadankaasi.
Mas’uuliyiinta wadankaasi ayaa sheegaya in tobannaan sarkaal oo ka tirsan ciidammada booliska shalay la dhaawacay, halka ku dhawaad 200 oo qof oo dibadbaxyada ka qeyb qaadanayayna xabsiga la dhigay.