SHARE

ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Mohammed Guleed (Khadar) iyo wefti uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalka caasimada dalka Turkiga waxayna halkaas kaga qayb galayaan kulan arimo badan looga hadlayo.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somalia ayaa wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Wasiirka Cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.
Ujeedka wafdigaan ka socda dowlada Fedraalka Somalia ay u tageen dalka Turkiga ayaa ah sidii ay kagag qayb galilahaayeen Shirka Iskaashiga Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkey-ga oo markii ugu horreysay ka dhacaya dalka Turkey.
Sida uu qorshuhu yahay markuu Shirkaan soo idlaado Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somalia wuxuu kulamo la qaadan doonaa qaarka mid ah madaxda sare ee dalka Turkiga waxayna ka wada hadli doonaan sii xoojinta xiriirka labada dalka.