SHARE

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa yeeshay kulan laba geesood ah oo ay diirada ku sareen iskaashiga ka dhexeya wadamada ay hogaamiyaan.
Shalay ayuu Mr. Kenyatta u ambabaxay dalkasi oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo seddex maalmood qaadaneysa.
Waxaa uu magaalada Durban kula kulmay Mr.Zuma halkaasi oo ay Shir ku yesheen.
Wadahadalada ay qateen kadib waxay saxaafada u shegeen inay labaduba ka go’antahay in la sii xoojiyo caladaadka ka dhexeya Kenya iyo koonfur Afrika.
Labadan mas’uul ayaa ka dhawajiyay inay isla soo hadal qadeen sara u qaadida ganacsiga iyo isku xirka bulshada si loo wanaajiyo warshadeynta oo shaqa abuur loogu sameeyo malaayiin qof oo da’yar ah.
Mr. Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho madaxweyne ku xigeenka dalkaasi sido kalena ah gudoomiyaha xisbul xaakinka ee ANC Cyril Ramaphosa.