SHARE

Wasaarada arrimaha dibada ee Maraykanka ayaa shaacisay inay soo afjareyso digniin dhanka safarada ah oo ay horay u jeedisay muwaadiniinteeda doonayo inay yimadaan dalka.
Kenya ayaa nambarka labaad kaga jirto liiska wadamada ee horay shacabka Maraykanka looga digay inay u soo safraan hasa ahaate arrintaasi dib u eegis lagu sameynaya.
Waxaa jiro barnaamij cusub oo safarada la xariira in kastoo weli rayidka dalkasi lagu boorinayo inay feejignaan muujiyaan.
Waxay horay cabasho uga soo yeertay digniino uu Maraykanka soo saaray oo dowlada Kenya ay ku tilmaantay kuwo aanan laga fiirsan oo dhaawacaya dhaqaalaha wadanka.
Maraykanka ayaa ka mid ah wadamada ugu horeeya ee muwadiniinta ka soo jeedo ay dalxiiis u yimadaan dalka.
Gudiga dowlada dhexe u qaabilsan dalxiiska ee KTB aya sheegay in sanadkii 2016-kii in ka badan 82,000 qof oo Maraykan ah oo dalxiisayaal ah ay dalka soo gareen.