SHARE

Maxkamada la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa waxa dambi ah ku weysay sarakiil uu ka mid yahay madaxii hore ee maaliyada ee dowladii uu gudoomiyaha ka ahaa Dr. Evans Kidero ee ismaamulka Nairobi.
Waxay maxkamada ka dhawajisay in sarakiisha dacwad oogista aysan keenin cadeymo wax ku ool ah oo muujinaya in Jimmy Kiamba, Lilian Ndegwa, Regina Rotich iyo Stephen Osiro ay lunsadeen lacag dhan 17.9 milyan oo shilin.
Garsoore Kennedy Bidali oo dhageystay kiiska loo gudbiyay ayaa sheegay inaan maxkamada la horkeenin dhamaan eedeysanayaashii loo haystay inay si sharci darro ah u meel mariyeen bixinta lacagahaasi.
Sido kale maxkamada ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday eedeyn ahayd in afarta sarkaal ay xafiisyada ay ka shaqeynayeen si aanan habbobeyn u adeegsadeen.
Eedeysanayaashan ayaa dhamaantood iska fogeeyay 10 dacwadood oo la xarirta maaliyada oo lagu soo oogay.