SHARE

Digreeto ka soo baxday dowlada Turkiga ayaa shaqada looga eryay 262 sarkaal oo ka hawlgalayay waaxyaha kala duwan ee dalkasi sida lagu xusay qoraal maanta la soo dhigay wargeyska dowlada.
Dadka shaqada la ceyriyay ayaa waxaa ka mid ah 48 ka mid ahaa ciidamada qalabka sida iyo 44 sarkaal oo kale.
Sido kale waxaa shaqada lagu soo celiyay 1,823 qof oo horay loo tiray kadib markii lagu eedeyay inay isticmaleen ablikeeshinka loo yaqaano ByLock oo dowlada Turkiga ay sheegtay in xubnaha hay’adda FETO ay ku wada xariirayeen xiligii isku daygii afgembi ee dhicisoobay .
Dowlada Turkiga ayaa weli aaminsanyahay in xubno FETO iyo hoyaamiyahooda Fetuxllah Gulen ay ka shaqeyeen inqilaabkii fashilmay ee bishii todobaad ee sanadii 2016-kii oo ay ku dhinteen ugu yaraan 250 qof halka ku dhawaad 2,200 kalena ay ku dhaawacmeen.