SHARE

Ciidamada Booliska Gobolka Togdheer ee Soomaaliland ayaa gacanta ku dhigay waxyaabaha maanka dooriya oo Isugu Jira Khamri Iyo daroogada kale ee loo yaqaano Xashiishka.
Howlgal ay sameeyeen ciidamada ayaa waxaa ay ku soo qabteen 904 dhalooo Khamri ah Iyo maandooriyaha xashiishka oo Gaaraya Hal Kiilo Iyo Bar Kaas oo lagu gubay goob fagaaro ah oo ku taala magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer laguna burburiyay dhalooyinki Khasriga ahaa.
Xeer Ilaaliyaha Gobolka Togdheer Jaamac siciid ayaa sheegay in Xashiishka lagu beeray guri ku yaalla Magaalada Burco halka gobolka Togdher guud ahaan laga soo aruuriyay deegaannada kale .
Sidoo kale waxa uu sheegay in ciddii lagu arko iyada oo beereysa kana ganacsaneyso waxyaabaha maanka dooriya tallabo laga qaadayo.