SHARE

David Maraga, madaxa cadaaladda ee dalka ayaa maanta bilaabay booqasho uu ku tagaya galbeedka dalka.
Socdaalka Mr. Maraga ayaa ah mid uu xariga uga jarayo dhismaha maxkamado kala duwan.
Waxaa uu sido kale kulamo la qaadanaya garsoorayaasha ka hawlgalo maxkamadaha ku yaalo gobolka galbeedka dalka.
David Maraga ayaa socdaalkiisa ka bilaabay ismaamulka Kakamega halkaasi oo uu dhagax dhigay dhismo maxkamadeed.
Madaxa ugu sareeya ee waaxda garsoorka ee dalka ayaa faahfaahin ka bixiyay dadka lagu soo eedeeyay dambiyada kala duwan ee ku jiro xabsiyada wadanka isgoo soo jeediyay in dhismaashi si wanaagsan oo casriyeeysan loo dhiso.