SHARE

Ellen Johnson Sirleaf oo ah madaxweynihii hore ee dalka Liberiya ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta ay bixiso hay’adda Mo Ibrahim.
Haweeneydan oo ah midii ugu horeysay oo wadan ku yaalo qaarada Afrika madaxweyne ka noqoto ayaa heshay abaal marintan oo mid sanadla ah.
Waxaa la siiyaa hoggaamiyaasha Afrika ee lagu amaano inay wadamadoodu si wanaagsan u hogaamiyeen.
Ellen Johnson Sirleaf ayaa madaxweynaha Liberiya noqotay sanadkii 2006-dii waxayna xilkaasi wareejisay bishii hore.
Guddiga abaalmarinta ee hay’adda Mo Ibrahim ayaa sheegay in Ellen Johnson Sirleaf ay muujisay hoggaan wanaag muddadii ay xilka haysay, inkastoo ay jireen caqabado badan oo maamulkeedsa soo foodsaaray.