SHARE

I
In ka badan 100 Kenyaan ah ayaa laga soo masaafuriyay wadanka Mareykanka sannadkii 2017-kii taasina ayaa noqotay tirada ugu badan ee dalka Maraykanka laga soo tarxiila tan iyo intuu talada wadankaasi la wareegay Madaxweyne Donald Trump.
Waxaana sare u kacay dadka Kenyaanka ah ee laga soo tarxiilayaa dalka Maraykanka sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii Kenyaan Dhan 63 laga soo Tarxiilay Maraykanka halka sanadkii ka sii horeeyay ay ahayeen 103.
Madaxweynaha wadanka Maraykanka Donald Trump ayaa markii uu xilka la wareegay joojiyay soogalootiga sharci darada ah taasi oo ay saameyn weyn ku yeelatay dalal ka mid ah Africa.
Hase ahaate dhawaan ayay ahayd markii uu madaxweynaha Maraykanka xayiraadi saarnayd ka qaaday dadka qaxootiga ah.