SHARE

Dowlada dhexe ayaa sheegtay in laga bilaabo bisha seddexaad ee sanadkan dad ay tiradoodu kor u dhafeyso 500,000 oo qof ay labadii biloodba helayaan lacag dhan 4000 oo shilinka dalka ah.
Waxaa barnaamijkan ka faaiidaya dadka ay da’dooda ka sareyso 70 sano , naafada liidata iyo agoonta.
Tiradan ayaa dadka la diiwangeliyay ee qeyb ka ah nidaamkan oo laga fulinaya guud ahaan wadanka ilaa iyo hada ka dhigeysa 1.2 milyan oo qof.
Dowlada gaar ahaan waaxda badbaadinta bulshada ayaa waxaa u diiwan gashan 353,000 oo caruur ah, 47,000 oo qof oo ah naafada tabarta daran iyo 310,000 oo ah dadka 70 sano jirka iyo wax ka sareeya ah.
Evelyn Mwangi oo waaxdan ka tirsan ayaa sheegtay in dhamaan dadka ka faaideysanaya barnaamijka dowlada la diiwangeliyay taasi oo meesha ka saareysa falalka musuqmaasuqa.