SHARE

Madaxweynaha dalka Mudane Uhuru Kenyaatta ayaa Paul Kihara Kariuki u magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee dalka ka dib markii uu si lama filaan ah isku casilay Prof Githu Muigai oo xilkaasi haayay mudo lix sano iyo bar.
Prof Githu Muigai ayaa warqada iscasilitaanka u gudbiyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa sheeegay inuu ka xunyahay iscasilida xeer ilaaliyaha guud balse waxaa uu intaas ku daray inuu uga mahadcilinayo inta mudada ah oo uu xilkaasi hayay.

Sido kale madaxweyne Uhuru Kenyaatta aayaa Abdikadir Mohammed u magacaabay safiirka dalka u fadhiyaa ee koonfurta Korea.
Ila iyo hadda lama oga sababaha uu isku casilay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Githu Muigai