SHARE

Gudoomiyaha ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa doonaya inay maxkamada waxba kama jiraan ka soo qaado racfaan laga qaatay dacwad la tuuray oo ka dhan ahayd guushii u soo hooyatay 8-dii bishii sideedaad ee sanadkii hore.
Isagoo uu matalaya qareen lagu magacaabo Harrison Kinyanjui ayuu codsaday inaysan maxkamad tixgelin racfaankaasi oo uu geeyay sarkaal ka tirsan xisbiga ODM.
Mr. Sonko ayaa xilka guddoomiyanimo ee magaala madaxda dalka kala wareegay Dr. Evans Kidero oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Nasa.
Waxyabaha uu ku doodayo qareenka matalaya Sonko ayaa waxaa ka mid ah in racfaanka Dr Noah Akala uusan ka duwanayn kiiskiis la laalay ee ay geyeehn Japheth Muroko iyo Zachaeus Okoth.
Bishii hore ee Janaayo ayay ahayd Mbogholi Msagha oo ah garsoore ka howlgalo maxkamada sare ee dalka uu daaqada ka tuuray dacwadii looga soo horjeeday in Mike Sonko uu sanadkii tagay ku soo baxay qabashada xilka guddoomiyanimo ee Nairobi.