SHARE

Wararka naga soo gaaraya dalka koonfur Afrika ayaa sheegaya in golaha fulinta ee xisbiga talada haya ee ANC uu muddo 48 saacadood ah u qabtay madaxweyne Jacob Zuma inuu xilkiisa iska casilo sida uu baahiyay telefishinka dowlada ee SABC.
Guddiga go’aan qaadashada ee ANC ayaa amarkaasi soo saaray kaddib kulan qaaday 13 saacadood.
Ma jirin qof sarakiisha xisbiga ka mid ah oo hadal jeediyay kulanka ka dib in kastoo warbaahinta dalkaasi ay ku waremeyso in go’aanka looga dalbanaya Zuma inuu iscasilo laga soo saaray.
Warar aan la xaqiijin ayaa dhanka kale sheegaya in Mr Zuma uu ogoladay in uu iscasilo balse uu dalbaday in muddo saddex bilood ah uu xafiiska sii joogo.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn dalka koonfur Afrika uga jiray isqabqabsiga ku aadan mustaqbalka siyaasadeed ee madaxweyne Zuma oo lagu cadaadinayay inuu iscasilo maadama maamulka uu hoggaamiyo lagu eedeyay inuu musuqmaasuq hareeyay.