SHARE

Mid ka mid ah dadkii 2014-kii afduubtay gabdho ku sugnaa magaalada Chibok ee dalka Nigeriya ayaa lagu riday 15 sano oo xabsi ah.
Waxaa xiligaasi magaaladan oo ku taalo waqooyiga bari ee Nigeriya laga qafaashay 200 oo gabdhood oo dugsi dhiganayay.
Haruna Yahaya, oo 35 sano jir ah ayaa qirtay inuu dambigaasi ku lug lahaa kadib markii uu ka soo hormuuqday maxkamad gaar ah oo dhegeysanaysay dacwado ka dhan ah boqolaal eedeysanayaal ah oo la sheegay inay ka tirsanyihiin kooxda Boko Haram sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay wasaaradda cadaalada .