SHARE

Laba caruur ah oo u jeeday dugsi ay wax ka baranayeen oo ku yaalo ismaamulka Kisumu ayaa shil ku dhintay kadib markii mooto ay saarnayeen ay ku dhacday baabuur wadada marayay.
Shilkan ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah baabuurta xamuulka qaada iyo dhugdhugleyda ay isku dhaceen iyagoo maraya wadada isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Kisumu gaar ahaan goobta loo yaqaano Kachok .
Madaxa ciidamada wadooyinka ee gobolka Nyanza Andrew Naibei ayaa sheegay in wadihii mootada uu shilka ka badbaaday.
Waxaa uu intaasi ku daray in meydka labada caruur la geeyay goobta meydadka ee isbitaalka Kisumu halka baaritaano dhacdadaasi la xariirana la guda galay.