SHARE

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in loo dulqaadan Karin xurgufta ka dhaxaysa dalalka Carbeed isagoona sheegay in kooxda ISIS ay awoodeeda sii kordheyso hadii aan la xalin khilaafka ka dhaxeeya wadamada carabta.
Rex Tillerson ayaa sheegay in Maraykanka uu ka hor tagi doono weerarda ay geystaan kooxaha loogu yeero Argagixisada.
Hadalkan ayuu ka jeediyay xoghayaha arrimaha dibada ee dalka Maraykanka shir maanta ka dhacayay Kuwait.
Bishi June ee sanadkii hore ayay ahayd markii dalka Qadar ay xariirka u jareen qar ka mid ah wadamada carabta.