SHARE


Urur weynaha mucaaradka ee NASA ayaa joojiyay kulamada golaha dadweynaha kadib markii ay kulmeen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta iyo hogaamiyaha mucaaradka NASA Raila Odinga.
Madaxa istaratijiyada ee isbahaysiga NASA David Ndii ayaa sheegay in ay wanaagsanatahay in laga wada shaqeeyo danaha iyo hormarka dalka.


David Ndi oo shir jaraa’id ah ku qabtay xafiiska Okoa Kenya ee magaalada Nairobi ayaa carabka ku dhuftay in la joojinayo golaha dadweynaha.
Sido kale madaxa istaratajiyada ee ururka NASA ayaa amaanay wadahadalkii dhexmaray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta iyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.
Maanta ayay ahayd markii hogaamiyaasha garabka mucaaradka ee dalka ay ku kulmeen xaafada Athi River ee magaaladatan Nairobi.
Hogaamiyaha ANC Musalia Mudavadi ayaa sheegay in ay wadahadal u diyaar yihiin si uu dalka hormar lataaban karo ugu talaabsado.